Israel oo weerarro ku dhishay 10 falastiiniyiin ah
Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen ugu yaraan toban qof ayna dhaawaceen tobanaan kale intii lagu guda jiray duullaan ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto.
Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in dhakhaatiirteedu ay daweeyeen afartan iyo shan qof oo qaba dhaawacyo rasaas ah iyo in ka badan laba boqol oo qof oo oo ay waxyeeleysay sunta dadka ka ilmaysiisa.
Sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid xasuuq ah.
Weerarradii ay askarta Israa’iil ku qaadeen aagagga u dhow Nablus iyo Jenin ayaa sii xoogaystay sannadkii hore ka dib weerarro is-daba joog ah oo Israa’iil ka dhacay oo ay geysteen kooxo Falastiiniyiin ah.